Quantcast
Channel: Allsomali24.com
Viewing all 131 articles
Browse latest View live

Daawo: Reer Hargeisa Oo Waa San U Baryey Kadib Markii Somaliland Soomaaliya Wax La Qaybsatay

$
0
0

siminar

Hargeysa (Allsomali24) – Waaxaa wadanka Talyaaniga Lagu soo Gabagabeeyay Siminaar Loo qabtay Saraakiil  kasocda  Wadanka Soomaaliya.

Saaraakiishan Soomalida ayaa waxay ka Yimaadeen Muqdisho, Puntland iyo Somaliland waxaana Sidoo kale Arintani Ay yaab ku noqotay Shacabka Burco iyo Hargeisa oo Moodayey inay ka madax Banaan yihiin Soomalida kale Iyadoona Ay noqotay Mida ugu hadal haynta badna kadib markii ay Warbaahinta kasoo Muuqdeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

 


Dagaal Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Gobolka Gedo

$
0
0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Ururka Al Shabaab ayaa waxuu maanta ka qarxay Degaano ak tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ka soo ambabaxay Magaaladsa Garbahaarey kuna sii jeeday Degmada Balad-xaawo ay jidka u galeen Dagaal yahano ak tirsan Al Shabaab.

Wararka laga helayo Magaalad Garbahaarey ayaa sheegay in Khasaaro iusgu jira dhimsho iyo dhaawac uu soo gala gaaray Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Ururka Al Shabaab.

Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Maamulka Garbahaarey ee Dowladda Soomaaliya ayaa inoo suuro gelin in aan qadka Taleefonka  ku haleelno hase ahaatee Wararka ayaa sheegaya in Weerarka Al Shabaab la iska caabiyay.

Tan iyo markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay gacanta ku dhigeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa Al Shabaab waxaa ay bilaabeen Weeraro gaadmo ah oo ka dhan Ciidamada Huwanta ah.

Warbixin Xasaasi Ah: Somaliland “Caalamka Waxaan Ka Doonaynaa Aqoonsi”

$
0
0

somaliland flag

Hargeysa (Allsomali24) – Wargeys kasoo baxa dalka caasimada dalka Biljimka ee Brussels oo la yiraahdo EuroActive ayaa baahiyay warqad uu kulan madaxeedka ay madaxda Africa iyo Yurub ku leeyihiin magaaladda Brussels u diray wasiirka arrimaha dibbada m/mulka Somaliland Max’ed Yoonis taasoo uu ururka Midawga Yurub kaga codsaday in m/mulka Somaliland u aqoonsadaan dal Soomaaliya intiisa kale ka madax banaan.

Wasiirku waxaa uu sheegay in marka loo eego hanaanka shaqo ee Somaliland uu yahay mid ka madax banaan isla markaana ay galaan heshiisyo caalami ah sidoo kalena aysan jirin wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin heshiisyada ay dawlada Soomaaliya gasho.

Wargeyska warkaan qoray waxaa uu leeyahay wasiirka arrimaha dibbadda Somaliland waxaa uu xubnaha ururka Midawga Yurub u sheegay in marka loo eego xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Midawga Yurub loo baahanyahay in la qoonsado maamulkiisa sida uu yiri.

“Somaliland waa dal madax banaan oo dimoqraqadiyadi ka jirto una gooni yihiin adeegyada caafimaadka waxbarashada IWM marka waxaan uga baahanay midawga Yurub inay na aqoonsadaan si uu u xoogeysto xiriirka naga dhaxeeya oo dhaqaalaheenuna hormar u gaaro” ayaa lagu yiri warqada uu wasiirku u qoray madaxda Midawga Yurub.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay inaysan jireyn awood dhaqaale oo dhamaystiran haddii aysan Somaliland helin taageerada beesha caalamka gaar ahaan tan ururka Midawga Yurub.

Gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaan Somaliland kuna dhawaaqay markii ay dhacday dawladii Jen Max’ed Siyaad Barre Allaha u naxariistee inay Soomaaliya inteeda kale ka go’een ayaan willi helin aqoonsiga beesha caalamka hase ahaatee waxay ka mid yihiin degaanada nabadu ka jirto marka Soomaaliya loo eego xilligaan.

Warbixin: Siyaasiyiin Wada Samri La’ & Soomaalidii Oo Wada Siyaasi Noqotay+Yaab

$
0
0

Top Secret 1

Muqdisho (Allsomali24) – Soomaalida oo dhan waxa ay wada noqotay saqiir illaa kabiir wada siyaasiyiin, oo waxaad arkaysaa caruur aad u da, yar oo siyaasada ka sheekaysanaya oo wixii hadal hayn ahaa oo ugu dambeeyay ay warbaahinta ka dhaga dhageeyaan Afka ku haya, habraha Suuqa Qudaarta ku gada sidoo kale, iskaba daayee oddayaasha fariista Goobaha fadhi ku dirirka waaba meesha laga abaabullo dhamaan waa wada siyaasiyiin.

Hadalhaynta ugu wayn maalmahan waa wasiiradii hore ee arimaha Dibadda ee dowladdii Saacid oo Baarlamaanka kusoo laabatay oo nin iyadda ku hayb ah ka iibsatay kursiga, iyo Raisul wasaarihi Saacid oo isagana Xusul duub ugu jira ku biiritaanka Gollaha Shacabka oo Xildhibaanimo Diyaar u ah, arimahan waa kuwa ugu hadal haynta badan ee maalmahan la isla dhexqadayo, hadaba Tooshka Warqaad oo aalaaba Xogaha qarsoon iddiinkugu soo bandhigno ayaan jeclahay inaan wax badan idiinkaga falanqayo arimahan.

Waxaan maqli jiray “Haad Habeen kacay waxbaa kiciyay” Maah Maah dani waxa ay igu soo dhacday markaan arkay Siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed siyaasada Soomaliya soo gallay hadana daruufo awgeed ka dega darajo ay gaareen waqtiga u saamixi waayay awgeed in ay sii hayaan oo mooshin baarlamaan beeso qaatay lagu riday, nin kan hore qofka caadiga u ahaa oo hada gallay siyaasada maxaa ku kalifay hadana inuu dib ugu laabto waa sax hadaba Haad habeen kacay waxbaa kiciyay.

Siyaasada soo galitaankeedda ama noqosho xildhibaan, waa 4.5 sida u degsan hada, oo ah in qabiilka xildhibaanka soo galaya uu soo xullo oday dhaqameedka beeshiisa ka dibna sidaa ku soo gallaa, hadaba waxyaabaha Cajiibka ah ee TOOSHKA iddiinkugu iftiimineyno waxa ay tahay xildhibaanka soo galay xildhibaanimadda marka uu damco in uu Tillaabo kale qaado sida wasiir uu raadiyaa nin hadhow uu usha ka qaadan karo waayo Wasiir haduu noqdo xildhibaanimada ma waa soo afjarantay sidaasi darted uu qof ku hayb ah oo uu ku kalsoonyahay raadiyaa, ileyn horaa loo yiri (HARAG SAGAARO IIGA KAC MAAHEE IIGA DURUG MALE).

Soomaalida been waa sheegtaa laakiin kuma maah maahdo, waxaan u leeyahay arintan aqristoow waa tan aad aragtay xildhibaan dhan booskiisa baneeyay soo iskama cadda? awalba in loo dhiibtay oo la yiri “Xumeey haday gaarto waa ii xallaal xildhibaanimayda wasiirnimo la iskuma halayn karee”

Xildhibaanimadu waa darajo wayn oo siyaasada aad Mug wayn ka qaadan karto, hadii aad ku dhex jirto laakiin sida hada ka socoto dalkeena waxaa lagu raadsaddaa dano gaar ah oo hadii qofka xildhibaan yahay Madaxda wuu ka agdhow yahay, wasaaradaha waa laga soo dhaweeyaa, hay,addaha waaweyn waa laga xushmeeyaa, dambiyadda laguma qaadi karo si deg deg ah.

Way badnaayeen xildhibanada nasiibka u yeelan waayay in ay soo laabtaan dowladii kumeelgaarka ka dib, waayo awal illaa 500 ayey gaarayeen hadana 275 farqi wayn ayaa u dhaxeeya runtii sidaa darteed kuwa hore usoo noqday waa u suurto galiwaysay in ay soo laabtaan, waxaana jirtay in ay isku dayeen balse u suurto galin, xildhibaanada ayaan darada ku dhacday oo warbaahinta ka qaylin jiray aad bay u fara badnaayeen waxa sidoo kale ka mid ahaa Dr Aadan Xaji Ibraahim oo isaga ahaa wasiirkii caafimaadka dowladdii kumeel gaarka balse xildhibaanimadiisa seegay inkastoo uu waxbadan isku dayay oo xitaa warbahinta ka qaylin jiray mudo.

adaaan

Way jiraan runtii rag si xushmad leh marka rag kale lagu badalay ku qancay oo haatan iska gacasadda ama howllokale iska qabsada oo si xushmad leh loo qadariyaa.

xildh ghed

Waxaana ka mid ah xildhibaanadaasi ex Mudane Xildhibaan maxamuud ow geedi Hilowle oo isaga si sharaf leh ku samray markii lagu badalay Xildhibaanka ay isku beesha yihiin ee hada Haya C/qaadir Cosoble Cali

Xildhibanada wasiir soo noqotay hadana xldhibaanimadda kusoo laabatay waa Maryan Aweys oo iyadda ka mid aheyd wasiiradii kumel gaarka balse dadaal dheer ay dib ugu soo laabatay xildhibaanimo.

maryama

hadaba aqristoow soo lama dhihi karo siyaasinta Soomaaliyeed waxa aysan ka samreen siyaasada, mar hadii ay dha dhamiyaan waaba la yaabaysaa, waxaa jira Xildhibaano waagii carta illaa hada xildhibaan ah, waxa ayna siiyaan laaluush oday dhaqmeedkoodda had & jeer xildhibaanadaasi waa kuwa fara badan waana idiin soo guydbindoonaa magacyaddoodda.

MAQAAL XIISO LEH – Maxaan ka baran karnaa xasuuqii Rwanda? By- C/rashiid Muuse

$
0
0

Xasuus  ba'an - Allsomali24 Media

MAQAAL (Allsomali24) - Muddo 20 sano ayaa ka soo wareegtay markii dadka wadanka Rwannda ay muddo 4 bolood ka yar iska xasuuqeen dad ku dhow hal malyuun oo ruux, iyagoo u kala qaybsamay qawmiyadaha Hutu iyo Tutsi. Maanta, xaaladdu 20 sano ka hor waa ka duwan tahay waxana dadkaasi oo ka heshiiyey xasuuqaasi ay u midoobeen in ay qarankooda dhistaan dibna aanay u soo celin falkaasi gurracan. Haddaba maxaan ka baran karnaa xasuuqaasi gaar ahaan dhinaca dib-u-heshiinta dadka ?

Anigu waxaan qabaa in cashar fara badan aan ka baran karno sida loo duugo nacayb iyo cuqdadka ka dhexeysa dad marka loo maro nidaam caddaaladeed oo dadka u xaqsooraya, lana xalliiyo xididada ay
dhibaatadu ka imanayso.

Dadka Soomaaliyeed waxaa soo maray dagaal dhexdooda ah, waxana ay isu dagaaleen qabiilo , iyadoo ay dheceen tacadiyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Waxaa la laayey dad fara badan waxaana la kala qabsaday hanti iyo dhul.

Suuragal ma aha in iyadoo aan laga garaabin dhibaatadii dhacday, laga heshiin tacadiyadii dhacay , hantida la kala haysto la isu celin, lana samayn nidaam dowladeed oo caddaalad iyo matalaad siyaasadeed oo xaq
ah ku salaysna , ay hirgasho dowlad Soomaaliyeed oo la isku raacsan yahay.

Dhibaatada Soomaalidu waa ay ka adagtahay, kan weyna ka fac weyn tahay tan wadanka Rwanda, waxana ay soo socotay tan iyo taliskii Siyaad Barre iyo xilliyo ka horreeyey lakiin duruuftu kala duwanayd. Dad
Soomaaliyeed ayaa lagu xadgudbay iyadoo la wato shaar dowladeed oo qabiil huwan. Dad Soomaaliyeed ayaa dhulkoodii, hantidoodii, sharaftoodii iyo dhiigoodii la banaysatay, iyadoo qaar kalena la adoonsaday.

Dadka u haysta in shir maalin iyo habeen lagu qabto oo dib-u-heshiisiin ah ay dhibaatada Soomaaliyeed ku dhammaanayso, waxa ay ku nool yihiin khiyaali, runtiina dhab kama aha xalinta dhibaatada Soomaalida haysata oo soo jiitamaysay 30 sano wax ka badan.

Markii ay burburtay dowladdii militariga ee Siyaad Barre, dadkii dowladdaasi ka horjeeday ee riday qola walba fursad ayey heleen, tusaale ahaan kuwii gooni-goosadka ku taamayey waxa ay ku dhawaaqeen
maamul si hal dhinac ah u sheegtay in uu ka madax-banaanyahay dalka intiisa kale, halka, qoladii kalena ay gacanta ku wada dhigtay wixii Soomaali ay wada lahayd, islamarkaasina wada qaateen hantidii ummada,
tii caamka ahayd iyo dhulkii , iyagoo xitaa madiidiyey ummaad Soomaaliyeed oo ay ahayd in ay si sharaf leh ku noolaadaan.

Dhibaatada Soomaalidu waxa ay ka soo bilaabanaysaa nidaamka siyaasadeed oo ahaa mid qabiil lagu barxay, waxana dadka markaa dowladda haystay ay ku tagrifaleen awoodda, waxana dadkii kale ay u
arkeen nidaamka dowladeed mid iyaga lagu bahdilayo oo aan caddaalad ku salaysnayn.

Waxaan arkay dad Soomaaliyeed oo weligood ku doodayey waxaa na xasuuqay nidaamkii Siyaad Barre oo iyaguna shaar dowladeed ku laynaya dad Soomaaliyeed oo ka horjeeda aragtidooda siyaasadeed. Haddii aad rumaysan tahay in adiga lagugu tacidiyey ma aha in aad dhibaatadii lagugu sameeyey ku celiso dad aan waxba galabsan, keliya doonaya midnimada.

Ayaan dhoweyd ayaan waxaan akhrinayey qoraal ka hadlaya dad soo faagaya qabuuro wadareedyo ku yaalla meel ku dhow magaalada Hargeysa,waxana dadkii ka qaybgalay ka mid ahaa dad caddaan Maraykan ah oo ka socday urur ku-xeeldheer baaritaanka waxyaalihii hore, waxan ay baaritaan ku samaynayeen lafihii dad hore oo dhintay dhamaadkii sideetamaadkii, si daliilaha laga helo baaritaankan loogu xoojiyo dacwadda loo haysto General Cali Samantar.

Markii aan akhrinayey qoraalkan oo lagu qoray wakaaladda AP ayaa waxaa ishaydu qabatay arrin aan la yaabay oo ahayd waxaa dagaaladii dhexmaray taliskii Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM ku dhintay 50 oo
ruux oo rayid ahaa oo loola jeedya qabiilka Isaaq. Marka laga tago askarta labada dhinac ka kala dhimatay, waxaan qiyaasayaa in tiradaasi la buunbuuniyey waayo khasaaraha dhimashada waxa uu ka tarjumayaa
tirada dadka iyo hubka la adeegsanayo. Marka laga hadlayo dalka Suuriya dad ahaan wuu ku laba jibaarmaa Soomaaliya, waxana dagaalka goob kasta ee dalkaasi ka mid ah mudada 3-da sano ka badan ka socda ee hubka ugu culus loo adeegsanayo sida kiimiko iyo duqayn dhul, cir iyo bad ah leh waxaa ku dhintay wax xoogaa ka yara badan boqol kun oo ruux. Waxaan filayaa in qof kasta oo labadaasi isu qiimeeya aanay wax isu dhow ahayn.

Waxaan qirayaa in dad Soomaliyeed lagu laayey waqooyiga Soomaaliya dadkaasi oo isugu jira ciidan dowladeed, jabhad iyo shacab cid walba oo Soomaali ah ka koobnaa oo halkaasi ku sugnaa ha ugu badnaadeen Isaaq iyo Soomaalida gobolka Ogadenia oo dhulkaasi ku soo qaxay. Waxaa intaasi dheer, markii xukunkii Siyaad Barre dhacay waxa jabhaddii SNM ay aargoosi kula dhaqaaqday dadkii Soomaliyeed ee aan hubaysnayn ee loo aanaynayey in ay taageersanaayeen nidaamkii Siyaad Barre. Waxaa
Jabhadhaasi oo ka faa’iideysanaysa hubkii iyo tababaridii ay heshay ay galeen magaalooyin ku yaalla waqooyiga Soomaaliya ee ay degan yihiin beelaha Dhulbahante, Warsangeli iyo Samaroon, waxana ay halkaasi ka geysteen tacadiyo baahsan oo ka dhan ah aadanaha.

Haddii aan la qirin wixii dhacay iyo cidii geysatay islamarkaasina si caddaalad ah looga heshiin ilama aha in la heli karo wax la isku raacsan yahay iyo nidaam dowladeed oo dadku ay raalli ka wada yihiin, qof kastana xuquuqdiisa sugaya.

Xasuuqa Rwanda waxa uu cashar u yahay qaran kasta oo dhexdiisa uu ka dhaco dagaal sokeeye, waxa micnaha buuran samaynaya waa in dhibaata kasta oo dhacda inta ay doonto ha leekaato’e maalin uun laga heshiin karo oo dib loo yagleeli karo qaran fursad isku mid ah siinaya muwaadiniintiisa, loona siman yahay caddaaladda.

Dib-u-heshiisiinta Rwanda hal maalin kuma iman ee waxaa loo maray hannaan, waxaa loo saaray guddiyo iyo dad hawshaasi qaabilsan, tusaale ahaan waxaa la sameeyey guddiga is-cafinta iyo runta. Dib-uheshiinta
waxaa laga soo bilaabay bulshada iyadoo lagu heshiiyey xukunka iyo talada dalka.

Maanta, Dadka Soomaaliyeed siyaasadda iyo xukunka dalkana kuma heshiin, bulshada dhexdeedana dib-u-heshiin iyo wax isu celini kama dhicin.

Wadanka Rwanda waxaan ka baran karno ee casharka muhiimka ah waa ” waxa inaka dhexeeya ayaa 100% ka muhiimsan oo ka qaalisan waxa aynu isku hayno oo wax badan inakaga lumayaan”. Waxa aynu isku khilaafsanahay ee aynu ku kala tagsanahay ee aynu ku luminay dowladnimadeena waxa uu inooku kacayaa qiimo badan iyadoo xitaa uu jiritaankeennu uu khatar gelayo, mana jirto cid si gaar ah u faa’iideysa.

Xasuuqa Rwanda waxa uu ina tusayaa sida wax kasta oo dhaca looga heshiin karo xitaa haddii ay malaayiin qof ku dhimato. Qiil ma leh kuwa ku doodaya anaga 50,000 baa nalaka dilay iyo diyaarado ayaa nalaku duqeeyey waayo taa waxaa geystay keligii-taliye la mid ah Bashaar Assad iyo nidaamkii Khmer Rouge ee dalka Cambodia, mana ahayn wax ay Soomaalidu heshiis ku wada ahayd.

Ma jirto cid qiil ka dhigan karta Muqdisho ayaa nalaku xasuuqay oo hantidayadii lagu dhacay, ma jirto cid oran karta lagama hadli karo meeqaamka iyo meesha ay caasimadda Soomaaliya noqoneyso maadaama
Muqdisho lagu kala tegay, mana jirto cid hor-istaagi karta dib-u-heshiinta, is-cafinta iyo dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliyeed.

Ugu damayntii waxaan kula talin lahaa dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan, taasina waxa ay u baahan tahay waqti, maal iyo shaqo adag oo ay tahay in dad Soomaaliyeed qabtaan ama wadanka gudihiisa lagu
sameeyo.

Illaah ha mideeyo dadka Soomaaliyeed
Illaah ha Karaameeyo Soomaaliya iyo dadkeeda
Illaah nabad ha innaku nimcaysto

W/D:  Qoraa Soomaaliyeed oo madax-bannaan oo lagu magacaabo Cabdirashiid Muuse Siciid
abrashidmuse@gmail.com

Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Rome – Italia

Daawo: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Safiirka Malaysiya U Fadhiya Somalia U Magaacabay Siyaasi Reer Somaliland Ah

$
0
0

safiirka malaysia

Malaysia (Allsomali24) - Boqorka Wadanka Malaysia Sultan Abdul Halim Mu’adzam Shah ayaa waraaqaha Safiirnimo ka guddoomay Damjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Malaysia Mr. Nuur Farah Hersi, oo uu wehliyo Qunsulka guud ee Safaradda Soomaliyeed Mr. Jabril Mohamed Sheekh Osman.

Safiirka Cusub  ayaa wuxuu Boqorka Gudoonsiiyay Dhambaal  uu kasiday Madaxwaynaha Dawlaada Somaliya Xasan Sheekh Muuxud.

Mr. Nuur Farah Hersi ayaa kamid ahaa Siyaasiyiinta ugu Tunka waynaa maamulka Somaliland, Sidoo kalana Wuxuu ahaa Gudooyihii Xisbigii GURMAD ee Maamulkaasi, Wuxuuna dhowaan ka degay maagaalada Caasimada Ah ee Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Tension high as two successive blasts rock Dadaab

$
0
0

Nairobi – Two loud successive blasts were heard near Dadaab refugee camp airstrip Thursday night around 8pm causing tension among residents.

Area police boss confirmed the two blasts but said further details will be given Friday morning after thorough investigations.

Residents who spoke to nation.co.ke said they heard two huge blasts with the second being more heavy and louder.

“We heard the blasts but no everyone is indoors. The explosion came from the airstrip side,” Ibrahim Mohamed, a resident told the nation on phone.

Source – Daily Nation

Kenya firebrand cleric’s death sparks protest

$
0
0

Nairobi (AFP) - Kenyan police and Muslim youths have clashed in Mombasa following Friday prayers, witnesses said, days after a firebrand Muslim cleric was gunned down in the port city.

Security was tight and tensions high around the Musa mosque, seen by Kenyan authorities as a terrorist propaganda hub and recruiting ground for people planning terror attacks.

A prominent cleric closely associated with the mosque, Abubaker Shariff Ahmed better known as Makaburi, was shot dead in Mombasa on Tuesday.

Makaburi was a vocal supporter of al-Qaeda and Somalia’s al-Shabab rebel group and prior to his death had accused Kenyan security forces of seeking to kill him.

After Friday’s prayers, worshippers and police fought brief running battles including stone-throwing and the use of tear gas.

“When our sheikhs are being killed they [the police] are just there, they are just looking, but they are not doing anything. We as a Muslim society just want peace,” one worshipper told AFP.

‘Leading facilitator’

Makaburi was on a UN sanctions lists, accused of being a “leading facilitator and recruiter of young Kenyan Muslims for violent militant activity in Somalia”, and of having “strong ties” with al-Shabab leaders.

The cleric, who was in his 50s, had also openly praised the al-Shabab fighters who stormed Nairobi’s Westgate mall in September last year, killing at least 67 people in a four-day siege that was carried out in retaliation for the presence of Kenyan troops in Somalia.

In August 2012, outspoken preacher Aboud Rogo Mohammed was also gunned down, and in October last year his successor, Sheikh Ibrahim Ismail, met the same fate on a road near Mombasa, again sparking riots.

On Friday, Human Rights Watch said Kenya must carry out a thorough investigation into Makaburi’s killing or else risk an escalation of religious violence.

“Gunning down clerics in the streets is only making a bad situation worse,” said Leslie Lefkow, deputy Africa director at Human Rights Watch.

“The authorities need to put an end to this cycle of violence, and they should start by finding out who is behind these killings and prosecuting them.”

Source – AFP


UN rights office calls for moratorium after ‘hasty’ execution of alleged murderer in Kismayo

$
0
0

(UN News Centre) - The United Nations human rights office today voiced its concern at the “hasty” judicial process in the Somali town of Kismayo that led to the execution of man nine days after he allegedly murdered an elder, and called on authorities to impose a moratorium on the death penalty.

According to reports, more than 34 people have been executed in Somalia since January 2013. In the most recent case, a man in Kismayo was executed yesterday after he was accused of killing an elder on 24 March.

“The man was found guilty last week – it is not clear by whom exactly, but possibly not even by a court,” said Rupert Colville, spokesperson for the Office of the High Commissioner for Human Rights (OHCHR).

“He was executed by firing squad in public on 3 April,” Mr. Colville added during a news conference in Geneva.

He noted that the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) had urged a stay of execution, including at the highest levels within the regional Interim Jubba Administration which appears to have been heavily involved in the sentencing and execution.

“Under international law, the death penalty should only be applied after the most rigorous judicial process,” stated Mr. Colville.

“OHCHR is concerned that the hasty judicial process in Kismayo – just nine days between the murder and the execution – meant that the suspect did not enjoy full fair trial guarantees, including the right to legal representation the right to appeal. Someone sentenced to death should also have the right to seek pardon or commutation of the sentence.”

The Office called on the Somali authorities to place a moratorium on the death penalty, recalling that the country was one of the supporters of the 2012 General Assembly resolution urging Member States to establish a moratorium on executions with a view to abolishing the death penalty.

“The recent executions in Somalia therefore directly contravene Somalia’s commitments at the international level,” Mr. Colville said.

Source – UN News Centre

XOG – Weriyeyaal Soomaali ah oo lagu xiray howlgalka ka socda Xaafadda Islii, Nairobi

$
0
0

Police-Kenya -Allsomali24

Nairobi (Allsomali24) - Dhowr weriye oo Soomaali ah ayaa lagu xiray howlgalka ciidanka ammaanka Kenya ay ka wadaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Eastleigh, Nairobi.

Howlgalka socda ayaa ilaa hadda waxaa lagu xiray in ka badan 3,000 oo dhallinyaro oo u badan Soomaali, wuxuuna yimid kaddib qaraxyo Isniintii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda Eastleigh.

Weriyeyaasha la xiray waxaa ka mid ahaa weriye madax-bannaan oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf, wuxuuna boggiisa Twitter ku soo gudbiyay sida loo qabtay.

“Waxaa i xiray oo i garaacay booliska Kenya oo howlgal ka wada xaafadda Eastleigh kaddib markii aan tusay kaadhkeyga aqoonsiga Kenya iyo midka warbaahinta. Dadka ila xiran waxay badankood haystaan aqoonsiga dalka Kenya, waana la garaacay. Waxaa kaloo ila xiran dad aan Soomali ahayn! Si haddii loo eego, waxaan ku faraxsanahay inaan maro tacaddiga qaar ka tirsan booliska aan naraxiista lahayn ee Kenya ay u geystaan dadka Soomaalida ah iyo kuwa Kiinyaanka.”

“Waxaa la ii sii wadaa saldhigga booliska Shauri Moyo, waxaan la xirnahay 16 qof oo kale! Waxaa cabbaar ka hor la sii daayay qaar ka tirsanaa dadkii ila xirnaa kaddib markii ay bixiyeen lacag. Waxaa hubaal ah inaan xilli dambe oo caawa ah gaari doono saldhigga booliska, maxaa yeellay booliska waxay istaagayaan waddo kasta oo ay dadka ka qabsanayaan!”

“Mid ka mid ah askarta booliska ayaa waydiinaya tirada dadka u saaran gaariga. Kuwa kale ayaa ku jawaabay ‘Waxaan hadda haynaa in ka badan 50 qof.’ Askari ayaa waydiinaya yaa raba inuu baxo, (haddii) aad sare u qaaddo gacanta wuxuu ku waydiinayaa ‘Imisa ayaad haysataa?’

“Si la idin sii daayo, waa inaad bixisaan ugu yaraan min Kshs. 5,000, askari ayaa yiri. ‘kuwiinna doonaya inay baxaan ha ka hadlina boqollaal shilin, aan ka hadalno kumannaan shilin.’

“Nin Soomaali ah ayaa wacaya qof ay qaraabo yihiin si loogu keeno lacag dhan Ksh. 5,000. Intaas ayaad u baahan tahay inaad iska bixiso si laguu sii daayo! Waa la sii daayay! Askari anshax xun ayaa ugu yeeraya askari jaalkiis ah qabiilkiisa “Midkaagaan Meru-ga ah, “nacas ayaad tahay!”

“Inta badan Soomaalidii ila xirnayd waa la sii daayay kaddib markii ay bixiyeen lacag. Hadda (aniga) waxaan la xirnahay dad aan Soomaali ahayn, badankood waa aalkoleysteyaal. Waa kaas howlgalka ciidanka Kenya ay idin fuliyeen si ay idinkugu soo qabtaan argagaxisada. Gudaha saldhigga ayaa hadda la igu xareeyay. Waxaan farriimo qoraaleed u diray saaxiibbadey. Waxaa la igu amray inaan jilba-jabsado. Teleefoonkana waa la iga damiyay.”

Maxamed waxaa la sii daayay labo saacadood kaddib, sidaan ayuuna yiri: “Dhammaan saaxiibbadey, asxaabta aan shaqo wadaagta nahay iyo dadka aan jeclahay waad ku mahadsan tihiin caawimaaddiina. Xorriyaddeyda ayaan dib u helay. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Tom Rhodes oo Guddiga Dhawrista Xuquuqda Suxufiyiinta CPJ u qaabilsan Bariga Afrika.”

Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Nairobi – Kenya

DAAWO: Layaabka – Nin 30 jir ah oo maalin waba ku Quraacda Dhagax!

$
0
0

Man Addicted To Eating Bricks, Mud and Gravel

Muqdisho (Allsomali24) - Warbaahinta Allsomali24.com waxay halkaan idin kugu soo bandhigeysaan arrin mucjiso ah, taasi oo ku saabsan nin Hindi ah oo cuno ahaan u cunaya dhagax.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 30 sano jir ayaa iminka ku nool dalka Hindia, waxaana la sheegay in cunista dhagaxa uu billaabay markii uu da’ ahaan uu jiray 10 sano jir.

Dad ku dhow dhow ehelladiisa ayaa sheegaya in ninkaan uu hayo cudur u gaar ah kaasi oo cunto ahaan u cuno dhagaxyada iyo ciidda iyo waxyaabaha quruuraxa.

Halka Hoose ka Daawo Muuqaalka Ninka Hindiga ah ee Cunaya Dhagaxaanta:

Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Muqdisho – Soomaaliya

DHACDO NAXDIN LEH – Muqdisho: Haweeney ninkeed ka jartay Xubinta taranka + SABAB!

$
0
0

Wardhiigleey

Muqdisho (Allsomali24) – Wararka naga soo gaaraya xaafadda Geed Jaceyl ee degmada Wardhiigley (Warta-nabadda) ayaa sheegaya in khamiistii dhacdo murugo iyo  naxdin leh uu halkaasi ka dhacay.

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad uga yaabisay shacabka ku nool degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, kaddib markii Haweeney Ninkeed ka jartay xubintiisa Taranka xilli habeen saq dhexe ah.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Xabiibo Axmed ayaa maseer dartiis Saygeeda Xubintiisa Ragannimo uga jartay, kaddib markii uu ninkeed haweeney kale uu si qarsoodi ah ku guusaday,taasoo la hal wiil u dhashay, walow Haweyneyda falkan xun ku dhaqaaday aysan waxba u dhallin muddo ka badan lix sano oo ay is qabeen.

Dadka deegaanka Wardhiigley oo la hadlay warbaahinta Allsomali24 ayaa u sheegay in dhacdadan murugada leh ay aad uga naxeen markii ay maqleen Haweeney Ninkeed xubinta taranka ka goysay maseer dartiis.

Ninka laga jaray xubinta taranka ayaa lagu soo warramayaa in lagu daweynayo isbitaal Madiina, iyadoo takhaatiirta caafimaadka ay sheegayaan in xaaladiisa caafimaad ay iminka soo wanaagsanaaneyso, walow qeyb ka mid ah xubinta taranka ay ka maqan tahay.

Dhacdada ka dhacday degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo Haweyney ninkeed ka jarto xubinta taranka maseer dartiis, walow hinaasidda dumarka uu yahay mid aad u kulul.

Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Muqdisho – Soomaaliya

DHAGEYSO – Wiil uu dhalay Ganacsade Xaaji Abuukar Cadaani oo lagu dilay Nairobi, Kenya

$
0
0

eastleigh-nairobi-Allsomali24-media

Nairobi (Allsomali24) -  Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi lagu dilay wiil uu dhalay ganacsadaha caanka ah ee Soomaaliyeed, Xaaji Abuukar Cadaan, sida uu BBCda qeybta Af-Soomaaliga ay u sheegeen Ehelladiisa.

Marxuumkan oo lagu magacaabo Saciid Abuukar Cadaani ayaa kooxo mootooyin watay oo bastooladu ku heysay ay ku toogteen marxuumka isagoo ka soo baxaya goobtiisa ganacsiga ee uu ku sii jeeday gaarigiisa, falkan wuxuu ka dhacay waddada Mombasa Road ee Nairobi Kenya.

Cabdiqaadir Cumar Caddaani oo ay walaalo yihiin marxuumka ayaa sheegay in kooxaha dilka u geystay ay joojiyeen inta uusan gaarigiisa galin, kaddib markii uu ka diiday rasaas ayay ku fureen ilaa iyo saddex xabo ayay ku dhufteen, wuxuuna u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray, sida uu BBC-da u sheegay Marxuumka walaalkiis.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta ka dambeysay dilka marxuumkaasi iyo cidda ka dambeysay intuba, walow ciidanka booliska Kenya ay wadaan baaritaanno lagu baadi goobaya raggii falkaasi ka dambeeyay, balse markii ay falka geysteen ay baxsadeen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay qeybo ka mid ah dalka Kenya, iyadoo arrintan ku soo beegmeyso xilli xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ay ka socdaan raafkii ugu xooggaan oo lagu beegsanayo Sosomaalida, ka gadaal markii toddobaadkii la soo dhaafay ay dhowr qaraxyo ay ka dhaceen Nairobi.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Muqdisho – Soomaaliya

Faah-Faahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac geysay oo caawa ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Qarax

Muqdisho (Allsomali24) – Qarax xooggan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo caawa fiidkii ka dhacay waddada xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi  ayaa loo adeegsad gaari noociisu yahay Mini Pajeero oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo la sheegay inay la socdeen labo nin kaddibna goobta isku qarxiyay.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayan in labadii nin ee gaariga saarnaa ay dhaawacmeen, kuwaasi durba loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho si halkaasi loogu daweeyo.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee uu qaraxaasi geystay,walow ay jiraan dad wadda xilligaasi marayay oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Qarax kaddib, waxaa goobta soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo baaritaanno xooggan ka billaabay, iyagoona isku geedaamay halka uu qaraxa ka dhacay, mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda.

Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Muqdisho – Soomaaliya

Somaliland Hails British Step Forward in Independence Bid

$
0
0

By Henry Ridgwell –  VOA NEWS

LONDON — A city in Britain has become the first to officially recognize Somaliland’s claim to independence. The vote — which is purely symbolic and carries no legal weight — is nevertheless being hailed by Somaliland leaders as a big step forward in their decades-long campaign to break away from Somalia.

Somalilanders celebrated outside Sheffield city hall after the council voted Thursday to recognize the region’s right to self-determination. Thousands of people of Somaliland origin live in the northern British city.

Somaliland’s Foreign Minister Mohamed Bihi Yonis attended the vote; he later told VOA of its symbolic importance. “Somaliland has the border, the population [in favor of independence], the currency, the independence, the elections, the democracy, the rule of law, the human rights record of Somaliland. And I think they have looked into all of those areas and realized that Somaliland has met the requirements of statehood.”

Somaliland occupies the northern section of Somalia.

The rest of the country has been plagued by lawlessness and violence since the overthrow of Somalia’s leader in 1991. Later that same year, Somalilanders voted in a referendum to become independent — a vote that has not been recognized by any nation.

Oasis of peace

Mohamed Yonis calls Somaliland a relative oasis of peace. “We have a proper functioning government and institutions, while the other part of Somalia is actually burning and having a lot of difficulties as you know — issues of piracy, terrorism, al-Shabab [Islamic militants].”

Somaliland did gain brief statehood upon its independence from Britain in June 1960. But its government chose to merge with Somalia.

Convincing the world that Somaliland should be recognized as independent will not be easy, according to Alex Vines of London-based policy analyst group Chatham House.

“Internationally, everybody says it would have to be led by Africa,” said Vines. “When you talk to African leaders, it’s like, ‘Well, we might consider it, but we wouldn’t be the first.’”

Somaliland authorities insist the region’s economy would support independence.

Thriving economy

The port of Berbera lies just west of the tip of the Horn of Africa. It’s a chaotic, dusty trade hub; camels, goats and sheep are transferred from trucks and carts into the market, to be exported across Africa and the Gulf.

Agriculture is the backbone of Somaliland’s economy; Minister of Livestock Abdi Aw Dahir Ali said the industry can grow even bigger. “It does not export only livestock from Somaliland. Berbera exports livestock from Ethiopia, from Somalia, from Kenya. So it’s a center of export of all livestock from the Horn.”

Somaliland authorities have handed out exploration licenses to a number of foreign oil firms, to the anger of the Somali government in Mogadishu.

The country also could offer an export hub for neighboring landlocked Ethiopia, said Vines.

“It wouldn’t be necessarily against the interests of neighboring Ethiopia. But the precedent of recognizing Somaliland would then add complexity to Ethiopia itself,” he said.

Somaliland authorities say talks with the Somali government are progressing. Observers say Mogadishu favors unity, though, and few expect any countries to follow Sheffield’s lead in the near future.

Source - VOA NEWS


“Attacks meant to ignite sectarian violence”: Kenya’s president

$
0
0

By TOM ODULA

(AP) — Recent terrorist attacks in Kenya, blamed on Somali-based Islamic militants, are meant to provoke a sectarian war but will not succeed in doing so, Kenya’s president said Friday.

The war being fought is not a war of religions, or a clash of culture but a ‘‘fight against a small and vicious set of deluded criminals,’’ Uhuru Kenyatta said, adding that terrorists will be dealt with ruthlessly, decisively and within the law.

While presiding over the graduation of 2,209 police recruits later Friday, Kenyatta gave people two weeks amnesty to surrender illegal weapons. A government report in 2012 said that 500,000 illegal guns were in the country and attributed the proliferation of small arms to porous borders with conflict-ridden neighboring countries.

Kenya has been hit by a wave of explosive and gun attacks mainly targeting Kenyans who are not Somali or Muslims. On Monday, police said three explosions in Somali enclave in Nairobi killed six people.

Last month gunmen attacked a church in the Kenya’s coastal region killing six people days after police impounded a car bomb.

‘‘As you all know, we are faced with a resurgent extremist movement. It has set out to divide us against ourselves,’’ Kenyatta said. ‘‘By killing and maiming, it hopes to turn us against our brothers, and to destroy the nation we have labored so long to build…But we refuse to fall for its lies and low cunning.’’

Somali militant group al-Shabab has vowed to carry out terror attacks on Kenyan soil in retaliation for the presence of Kenyan troops in Somalia helping the government crush the insurgency. Kenya sent its troops into Somalia to fight al-Shabab in October 2011 following a series of cross-border attacks the Kenyan government blamed on the militants

Kenyatta said the country’s police force is the first line of defense against terrorism but their work has been hampered by years of under-investment in training and equipment. He said that will soon change with the availability of increased government funding to the force and the improvement of police forces’ welfare, though he didn’t give further details.

Source – AP

DAAWO: Hooyo Soomaaliyeed iyo Wiilkeeda saqiir ah oo la Raafay + (XASUUQA KENYA)

$
0
0

Police-Kenya -Allsomali24

Nairobi (Allsomali24) - Dowladda waddanka Kenya ayaa la soo baxday qaabab cusub oo  lagu xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Kaddib markii qaraxyo ay ka dhaceen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxay billaabeen ciidanka Kenyaanka ah inay aruuriyaan dhammaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii, iyagoo ciidanka guryaha dabaqyada ugu galayay shacabka iyagoo hurdaya.

Raafka ay ciidanka Kenya ka waddo xaafadda ay Soomaalidu kubadan yihiin ma aysan kala reebin Saqiir iyo Kabiir, Macallin, iyo arday, Waalid iyo waayeel, iyagoo dhammaantoo sidii xoolaha oo kale gawaarida waa weyn ku guray, kaddibna xabisay.

Sawirka Hoos ka muuqda, waa Hooyo da’weyn ah markuu arko qofkasta oo Soomaali ah qalbigiisa ku reebaysa uurxumo iyo argagax, balse Ciidanka kenya uma aaba yeelin Waalid iyo saqiir toona, dhammaantood gaariga ayay ku gurtay.

Laakiin su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, Hooyada ay askarta Kenyaanka ku ridayaan gaariga weyn iyo Wiilkeeda Saqiirka ah, ma argagixisaa, mise qori ayay wateen, waa la yaabee!!!
Maxaa sidaasi foosha xun loogu galayaa Hooyadaasi Soomaaliyeed iyo Dhallaankeeda yar ee aan waxba kala ogeyn?!!!

Allow umaddaada muslimiinta ah ee Soomaaliyeed u gargaar, cidna uma maqna, ceelna uma qodna“.

Xasuusaqa-Soomaalida-Kenya-2014
Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Nairobi – Kenya

DAAWO – Sawirrada: Ilaalo cusub oo loo sameeyay Aqalka Villa Soomaaliya + XOG

$
0
0

Villa Soomaaliya

Muqdisho (Allsomali24) - Wararka naga soo gaaraya gudaha madaxtooyada Soomaaliya aya sheegaya in ciidamo lagu soo tababaray dalka dibadiisa la keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ilaalin doona oo kaliya xarunta Villa Soomaaliya, waa sida hadalka loo dhigaye.

Ciidamadan Soomaalida ah ee lagu soo tababaray dalka Imaaraadka carabta ayaa ilaalo gaar ah ka noqon doota xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee caasimadda Muqdisho, tiradooda waxay gaarayaan ilaa iyo kontan iyo shan askari.

Sida la sheegay ciidamadan ayaa tababar gaar ah lagu siiyay ilaalinta xarunta Villa Soomaaliya oo ay deganyihiin mas’uuliyiinta ugu sar sareysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Halka hoose ka daawo Sawirrada:

Ilaalo-cusub-loo-sameeyay-Villa-Somalia-allsomali24-media Ilaalo-cusub-loo-sameeyay-Villa-Somalia-allsomali24-media1 Ilaalo-cusub-loo-sameeyay-Villa-Somalia-allsomali24-media2
Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Muqdisho – Soomaaliya

DAAWO: Heesta cusub ee “Qudheyda” iyo Codkii Hodan Cabdiraxmaan Dheere, 2014

$
0
0

Fanaanada Hodan Abdirahman Dhere-Allsomali24-Screenshot

Muqdisho (Allsomali24) - Warbaahinta Allsomali24.com waxay halkaan idin kugu soo gudbineysaa Heesta cusub ee (QUDHAYDA) oo ah Hees muuqaal cajiib ah loo sameeyay oo ay ku luqeyneyso fanaanada codka halaasiga ah leh, Hodan Cabdiraxmaan Dheere.

Heestan waxaa laxankeeda iyo codkiida iska leh Fanaanadda Hodan Cabdiraxmaan, waa ereyadii Mohamed A. Horshe, Musigii, A.A.Naji, By habeentii Eagale Media Pro.

Halka hoose ka Daawo Heesta (QUDHEYDA), 2014

Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Muqdisho – Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay Raafka lagu hayo Soomaalida islii

$
0
0

baarlamaanka-Soomaaliya

Muqdisho (Allsomali24) - Guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtidii si kulul u cambaareeyay howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Xildhibaan Muuse Sheikh Cumar oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga ahna ku-simaha guddoomiyaha guddiga ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Kenya inay fiiro gaar ah u yeelato howlgallada ay ciidamadeeda ka waddo xaafadda Islii, halkaasi oo ay ku badan yihiin Soomaalida.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa intaas raaciyay in muwaadiniinta Soomaalida ay mudan yihiin in la siiyo xushmadda ay xaqa u leeyihiin, isla markaana aan la takoorin, walow Kenya ku ammaanay soo dhoweynta qaxootiga,.

“Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu soo saari doonaan dhowaan sharci cusub iyo shuruucyo  oo ay dowladda Soomaaliya kula xisaabtameyso ammaanka iyo nabadgalyada muwaadiniinta ku nool dalka dibadiisa” ayuu yiri Xildhibaan Muuse Sheikh Cumar oo warbaahinta la hadlay

Si kastaba, Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay in ka badan 3000 qof oo ay u badan yihiin Soomaali, kaddib markii howlgal ballaaran oo ay ciidamadeeda ka fuliyeen maalmihii la soo dhaafay xaafadda Islii oo ay qaraxyo ka dhaceen toddobaadkii la soo dhaafay.

Wararka Allsomali24.com
info@allsomali24.com
Muqdisho – Soomaaliya

Viewing all 131 articles
Browse latest View live